Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqasho ku tegaya saldhigga ciidamada Danab ee Bali-doogle. Safarkan ayaa ujeedadadiisi tahay ka qeyb-galka munaasabad lagu soo gabagabeynayo tababarka ciidamo cusub oo Danab ah.
Saldhiggaan ayaa lagu tilmaama mid ka mid ah saldhigyada ugu ballaaran ee ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afrika, marka laga reebo saldhigyada ku yaala Jabuuti iyo Niger.
Waxaa lagu tababara ciidamada gaarka ah ee Danab, oo ah cutub ciidan oo gaar ah oo dowladda Soomaaliya u diyaarsatay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo kooxaha kale.