Bakool (Dawan)- Qoraal kasoo baxay Xafiiska Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in diyaarad u shaqeysa Qaramada Midoobay ay ku dhacday garoonka diyaaradaha Ceel Barde ee Gobolka Bakool.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in diyaaradda ay u daabuleysay Hay’ada Cunada Aduunka (WFP ) gargaar bini aadantinomo, kadibna ay ka baxday marka ay degeysay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan.
Xafiiska Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxa uu xaqiijiyay dhimashada hal qof iyo dhaawaca laba kale, waxa uuna tacsi u diray qoyska qofka geeriyooday.
Xafiiska ayaa ballan qaaday in baaritaan lagu sameyn doono sababta keentay shilka iyada oo la kaashan doono Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka.
Isbuuc ka hor ayay ahayd markii diyaarad Helicopter ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay ay si lama filaan ah ugu degtay deegaan ay ka taliyaan Al-shabaab.
Qaar ka mid ah mas'uuliyiinta Maamul Gobleedka Galmudug ayaa sheegay in Diyaaraddu ay kasoo duushay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kuna ku sii jeedday deegaanka Wisil, balse ay si lama filaan ah ugu degtay deegaanka Xiin-dheere kadib markii ay cellad ku timid.
Sida la sheegay Diyaaradda ayaa dawo u wadday Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ee Wisil, waxaana saarnaa todobo qof oo isagu jira Soomaali iyo ajaanib.