Muqdisho (Dawan) — Barnaamijka Horumarinta Qaramada Midoobay (UNDP) ayaa shaaciyay in 36,000 oo qof ay ilaa hadda ka faa’iidaysteen mashruuc biyo-gelineed oo uu ka fulinayo Soomaaliya, kaas oo la doonayo inuu gaarsiiyo adeegyada biyaha 120,000 oo qof.
Mashruuca Helitaanka Biyo Joogto ah ee Bulshooyinka Miyiga waxaa maalgelinaya Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga, waxaana uuna isagu jiraa qodista ceelal cusub iyo dhisidda nidaam maamul oo ay bulshadu hoggaamiso, si loo xaqiijiyo joogtaynta adeegyada biyaha.
UNDP ayaa sheegtay in saddex ceel-biyood la dhammaystiray sannadkii 2025, halka toddoba ceel oo kale loo qorsheeyay in la dhammaystiro sannadka 2026, taas oo tirada guud gaarsiinaysa 10 ceel oo uu mashruucu hiigsanayo.
Qoraal ay hay’addu ku baahisay baraha bulshada ayay ku sheegtay in dhismaha kaabayaasha biyuhu uusan keligiis dammaanad qaadi karin joogtaynta adeegyada, balse ay muhiim tahay in bulshada deegaanka ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda maamulkooda.