Muqdisho (Dawan) — Ururka Bangiyada Soomaaliyeed (SBA) iyo wakiillo ka socda bangiyada xubnaha ka ah ayaa kulammo la yeeshay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saaray dib-u-eegista xeer-nidaamiyeyaasha saameeya hawlaha iyo habsami-u-socodka shaqada bangiyada dalka.
Sida uu sheegay Ururka Bangiyada Soomaaliyeed, kulankii ugu dambeeyay ayaa si gaar ah loogu eegay xeer-nidaamiyaha kala saarista hantida iyo samaynta kaydka bangiyada (Asset Classification and Provisioning Regulation).
Xeer-nidaamiyahan ayaa qeexaya habka bangiyadu u kala saaraan hantidooda, gaar ahaan deymaha, iyo kaydka ay u sameeyaan khasaaraha ka dhalan kara deymaha aan dib loo bixin.