ππ²πΏπ»π² (Dawan)- Ururka Midowga Boostada Adduunka (UPU) ayaa Soomaaliya ka cafiyay daynti uu ku lahaa oo gaareysay 2 milyan oo dollar, sida uu sheegay Masahiko Metoki oo ah Agaasimaha Guud ee Ururka.
Lacagta laga cafiyay Soomaaliya ayaa isagu jirta qaaraanka xubinimada ururka oo dhan hal milyan oo dollar iyo dulsaar aruuray 1982-kii ilaa 2018-kii oo gaaraya mliyan kale.
Dayn Cafinta kadib Soomaaliya waxa ay si rasmi u noqotay Xubin buuxda oo ka tirsan Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyadoo laga qaaday xannibaadii saarneyd.