Muqdisho (Dawan)— Soomaalida ayaa sannadkii 2025 lagu qiyaasay inay $289 milyan ku bixisay daaweynta caafimaad oo dibadda loo aado, sida uu sheegay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, kaas oo ku baaqay in la kordhiyo maalgashiga caafimaadka gudaha si loo yareeyo baahida bukaannadu ugu safraan dalalka kale.
Isagoo ka hadlayay munaasabadda Bandhigga Guuleystayaasha Soomaaliyeed (BGS26) ee Muqdisho, Cibaar wuxuu sheegay in lacagtaasi ay muujinayso dhaqaale badan oo dalka ka baxaya, xilli Soomaaliya ay haysato kheyraad dhaqaale oo kooban. Wuxuu sheegay in arrintani sidoo kale muujinayso fursadaha jira ee lagu ballaarin karo adeegyada caafimaadka gudaha dalka. Boor lagu soo bandhigay munaasabadda ayaa xusay Hindiya, Turkiga, Itoobiya iyo Masar oo ay yihiin dalalka daaweynta caafimaad ee dibadda ay Soomalida u aaday.
Cibaar ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay inay kordhiyaan maalgashiga waaxda caafimaadka, isagoo sheegay in inkastoo shirkadaha gaarka loo leeyahay ay hore taageero u siiyeen waaxda, haddana loo baahan yahay maalgelin dheeraad ah si loo ballaariyo adeegyada loona daboolo baahiyaha caafimaad ee ku kallifa bukaannada inay dibadda u safraan. Wuxuu ku baaqay iskaashi dhow oo dhex mara dowladda iyo ganacsatada gaarka loo leeyahay si loo hagaajiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo tayo leh, isla markaana bulshada ay si fudud ku heli karto.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale xusay ku tiirsanaanta Soomaaliya ee dawooyinka iyo agabka caafimaadka laga keeno dibadda, isagoo sheegay in maalgashi dheeraad ahi uu gacan ka geysan karo aasaasidda wax-soo-saarka gudaha iyo yaraynta ku tiirsanaanta suuqyada shisheeye. Wuxuu sheegay in dowladda ay door ku leedahay dhiirrigelinta maalgashiga gaarka loo leeyahay, iyadoo dejinaysa siyaasado taageeraya ganacsatada, isla markaana abuuraysa jawi ku habboon maalgelinta caafimaadka.