N'Djamena (Dawan)– Orodyahanka u dhashay dalka Jabuuti Aadan Waaberi Darar ayaa ku guuleystay nus-marathon-ka Caalamiga ah ee Nabadda ee lagu qabtay caasimadda Chad ee N'Djamena, kaddib markii uu kaalinta koowaad ka galay tartanka 21.1-ka kiiloomitir.
Aadan Waaberi Darar, oo ka mid ahaa orodyahannadii loo saadaalinayay inay ku guuleystaan tartanka, ayaa si degdeg ah u qabsaday hoggaanka bilowgii orodka, isagoo ku bilaabay xawaare sare, isla markaana si tartiib ah u sii ballaariyay farqiga u dhexeeyay isaga iyo tartamayaashii kale.
Waxa uu khadka dhammaadka ku gaaray 1 saac, 2 daqiiqo iyo 51 ilbiriqsi, taas oo noqotay waqtigii ugu fiicnaa ee abid laga diiwaangeliyo nus-marathon-ka Caalamiga ah ee Nabadda ee N'Djamena.
Kaalinta labaad waxaa galay orodyahanka kasoo jeeda Kenya Kirwa Geoffrey Kipchirchir, oo ku dhammaystay 1 saac, 7 daqiiqo iyo 14 ilbiriqsi, halka kaalinta saddexaad uu galay Kenyanka kale Kimani Alfred Muga, oo ku orday 1 saac, 7 daqiiqo iyo 39 ilbiriqsi.