Laascaanood (Dawan)– Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa maanta xasaanadda ka qaaday shan xildhibaan, kaddib markii goluhu cod u qaaday soo jeedin ku saabsan in xasaanadda laga qaado xubnahaasi.
Sida lagu sheegay qoraal uu baahiyay Telefishinka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, go’aanka waxaa taageeray 57 xildhibaan, kuwaas oo la sheegay inay heleen aqlabiyadda saddex-meelood laba (2/3) ee loo baahan yahay, sida ku xusan Qodobka 9-aad ee xeer-hoosaadka Golaha.
Xildhibaannada xasaanadda laga qaaday ayaa kala ah; Makhtal Saciid Maxamuud, Cabdisalaan Cabdullaahi Cabdiraxmaan, Sadiiq Jaamac Muuse, Axmed Cali Maxamed iyo Axmed Caabi Xasan.