Muqdisho (Dawan) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa sheegay in mucaaradku difaaci doono naftiisa iyo xuquuqdiisa dastuuriga ah, isagoo dowladda Federaalka ku eedeeyay inay waddo weerarro ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka iyo taageerayaashooda.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa X, Khayre ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaaminayay weerar militari oo socday in ka badan 20 saacadood, kaas oo uu ku tilmaamay mid lagu bartilmaameedsaday isaga, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, odayaal dhaqameed iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo kale.
“In ka badan 20 saacadood, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu hoggaaminayay weerar militari oo joogto ah oo aan loo meel dayin, kaas oo u muuqda in ujeedkiisu yahay in lagu dilo aniga, Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, tobannaan odayaal dhaqameed oo sharaf leh iyo hoggaamiyeyaal kale oo siyaasadeed oo ku sugan Muqdisho,” ayuu yiri Khayre.
Khayre ayaa ku eedeeyay dowladda inay weerarka u adeegsatay hub culus, oo ay ku jiraan hubka lidka taangiyada, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo qalab kale oo militari, isagoo sheegay in lagu isticmaalay xaafado ay ku nool yihiin dad rayid ah.
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay carqaladeysay adeegyo muhiim ah oo ay ku tiirsanaayeen shacabka, islamarkaana hubkii loogu talagalay la-dagaallanka Al-Shabaab loo weeciyay arrimo siyaasadeed oo gudaha ah.