Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya ayaa bilowday wadatashi qaran oo ku saabsan u-diyaargarowga roobabka Super El Niño ee la saadaaliyay, iyadoo dowladda iyo daneeyayaasha ay dejinayaan qorshe lagu xoojinayo u-diyaargarowga iyo yaraynta khataraha ka dhalan kara, sida ay sheegtay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SODMA).
Shirka oo shalay ka dhacay Muqdisho, waxaa ka qeyb galay hay’adaha dowladda, ururrada haweenka iyo dhinacyo kale oo ay khuseyso arrinta, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka digniinta hore, loo gaarsiin lahaa bulshada fariimaha digniinta, isla markaana loo adkeyn lahaa iskaashiga hay’adaha ka shaqeeya ka hortagga iyo ka jawaabista masiibooyinka.
Intii uu socday shirka, waxaa la soo bandhigay siddeed qodob oo muhiim ah oo lagu xoojinayo qorshaha u-diyaargarowga. Qodobadaasi waxaa ka mid ahaa in mudnaan la siiyo gobollada ay abaaruhu saameeyeen, taageeridda qoysaska barakacay, qaadista tallaabooyin looga hortagayo fatahaadaha gaar ahaan deegaannada Hirshabeelle, iyo in haweenka door muuqda laga siiyo qorsheynta iyo fulinta howlaha u-diyaargarowga.