Addis Ababa (Dawan)- Wasiirada Maaliyadda ee dalalka Geeska Afrika ayaa shikoodi 18-aad ee Hindisaha Geeska Afrika ee ka qabsooomay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ku ansixiyay dhammaystirka dhismaha Waddada isku xirta Jabuuti, Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay ku baxayso 750 Milyan oo Doollar.
Shirkan oo ahaa mid heer wasiir ah ayaa ujeedadiisu ahayd sidii looga wada tashan lahaa iskaashiga iyo maalgashiga xuduudaha gobolka Geeska Afrika.
Kulanka waxaa shir guddoominayay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide, waxaana ka soo qeyb galay Wasiirada Maaliyadda ee Soomaaliya, Jabuuti, Kenya, Kuunfurta Suudaan, iyo Eritrea, iyadoo ay goob joog ahaayeen wakiilo ka kala socday Bankiga Horumarinta Afrika, Bangiga Adduunka, Xoghaynta IGAD, iyo Midowga Yurub.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa ku dheeraaday muhiimadda shirka, isaga oo tilmaamay doorka Soomaaliya ee arrimaha gobolka.
“Waxaan Addis Ababa kaga qayb-galay shirkii wasiiradda Hindisaha Geeska Afrika. Waxaan ka wada hadalnay muhiimada ay leedahay maalgashiga bulshooyinka xuduudaha iyo doorka maalgelinta gaarka ah ee mashaariicda xuduudaha. Soomaaliya waxay kaalin muhiim ah ka ciyaartaa isdhexgalka gobolka, ganacsiga, iyo maalgashiga,” ayuu yiri Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.