Shabeellaha Dhexe (Dawan)– Wafdi ka socda Hay’adda Hawada Sare ee Türkiye, oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka guddoomiyaha hay’adda, Fatih Dulkan, ayaa kormeer ku sameeyay shaqooyinka dhismaha xarunta hawada sare ee laga hirgelinayo degmada Warsheekh, ee gobolka Shabeellaha Dhexe taas oo loogu talagalay dirista dayax-gacmeedyada.
Wafdiga ayaa isagu jiray wakiillo ka socday Wasaaradda Warshadaha iyo Teknoolojiyadda Türkiye, Xafiiska Warshadaha Difaaca iyo shirkadda Roketsan, oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dalkaas ee soo saara gantaallada. Wafdigu wuxuu sidoo kale magaalada Muqdisho kulamo kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya. Kormeerkan ayaa qayb ka ah la socodka horumarka mashruuca.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa horraantii sannadkan xaqiijiyay in la dhammaystiray wejigii koowaad ee mashruuca oo ka kooban saddex weji, isla markaana dhismaha xaruntu uu socdo iyadoo ay kormeerayso Hay’adda Hawada Sare ee Türkiye.
Warbaahinta caalamiga ah ayaa sheegtay in dhismaha xarunta uu bilaabmay bartamihii Oktoobar 2025, isla markaana ay ku taallo duleedka degmada Warsheekh, qiyaastii 70 kiiloomitir waqooyiga Muqdisho.