Waqooyi Bari (Dawan) – Wasaaradda Amniga ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah u mamnuucday ganacsiga hubka sharci-darrada ah, rasaasta iyo agabka ciidanka, iyadoo ku dhawaaqday tallaabooyin adag oo sharciyeed oo ka dhan ah cid kasta oo jebisa amarkan.
War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in aan loo oggolayn shacabka inay ka ganacsadaan ama iibiyaan hub, rasaas iyo qalab ciidan, iyadoo la xusay in kaliya dowladda Waqooyi Bari ay xaq u leedahay soo dejinta hubka iyo agabka la xiriira.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in qof kasta oo lagu qabto isagoo ku lug leh ganacsiga hubka sharci-darrada ah laga qaadi doono tallaabo sharciyeed adag, laguna fulin doono shuruucda iyo xeerarka u yaalla dalka.


