Laascaanood (Dawan) – Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay liiska dugsiyada Qur’aanka Kariimka (malcaamadaha) ee loo oggolaaday inay ka shaqeeyaan magaalada Laascaanood, kadib hannaan hubin iyo diiwaangelin ah.
Wasaaraddu waxay sheegtay in dugsiyada ku jira liiskan ay buuxiyeen shuruudaha sharciyeed ee looga baahan yahay xarumaha waxbarashada diinta, iyadoo la hubiyay manhajkooda, macallimiintooda iyo nidaamka ay ku shaqeeyaan.
Liiska la soo saaray ayaa ka kooban 36 dugsi Qur’aan ah, kuwaas oo si rasmi ah loogu oggolaaday inay ka howlgalaan gudaha magaalada Laascaanood, taas oo qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu nidaaminayo waxbarashada diinta iyo kor u qaadidda tayadeeda.


