Laascaanood (Dawan) – Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqday inay si buuxda u taageersan tahay go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku laashay dhammaan heshiisyadii ay la gashay Isutagga Imaaraadka Carabta, gaar ahaan kuwa la xiriira dekedaha iyo iskaashiga amniga.
Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Waqooyi Bari ayaa lagu adkeeyay in Soomaaliya tahay dal madax-bannaan, midaysan, isla markaana aan la kala qaybin karin, iyadoo mar kale la xaqiijiyay in dhammaan dhulka iyo dekedaha dalka, oo ay ku jirto dekedda Berbera, ay hoos yimaadaan awoodda dowladda federaalka.
Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ayaa sheegtay in uusan jirin maamul goboleed leh awood sharciyeed oo uu si madax-bannaan ula macaamilo dowlado shisheeye ama ku geli karo heshiisyo caalami ah, haddii uusan jirin oggolaansho iyo wada-tashi ka yimaada Dowladda Federaalka Soomaaliya.






