Muqdisho (Dawan)- Dib u doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud kadib dowoladdu waxay xoogga saartay laba arrin marka laga soo tago dagaalka Al-Shabaab. Dhamastirka Dastuurka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa waxa ay ahaayeen arrimihii ugu xooga badnaa ee ay dowladdu gelisay dadaal badan labadii sano ee lasoo dhaafay.
Dastuurka waxaa la dhamastiray afarta cutub ee ugu horeysa, inkasta oo ay Puntlnad iyo qaar ka mid ah siyaasiyiintu ka biya diideen. Dhanka musuqmaasuqa waxaa maxkamad lasoo taagy saraakiil dowladeed oo lagu eedeeyay kiisas la xiriira lacag dhunsasho, been abuur dukumenti iyo ka faa’iideysiga awood xileed inkasta oo wax dembi ah lagu waayay intii ugu badneed.
Barnaamijka Ogaal iyo Aragti, waxaan ku marti qaadnay, Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud si ay shacabku wax badan oga ogaadaan siyaasadda dowladda ee la xiriirta dhamaystirka Dastuurka iyo dib u habeynta hay’adaha Garsoorka.
Wareysigan oo dheer, waxaan u kala qaadnay laba qayb; Qaybta koowaad waxaan ku qaada dhignay dib u habaynta Hay’adaha Garsoorka, madax bannaanidiisa, dhisidda Golaha Adeegga Garsoorka iyo arrimo kale oo xiriir la leh Garsoorka.
Qaybtaan labaad, waxaan iyadana ku eegaynaa hannaanka loo maray dhamaystirka Dastuurka iyo falcelinta ka dhalatay.
Afarta cusub ee dastuurka la meelmariyey wax walaac ah maka qabtaa ?