Hargeysa (dawan)- Maxkamadda Hargeysa ayaa maanta hal sano oo xabsi ah ku xukuntay wariye Bushaaro Cali Baandey oo bilooyinkii ugu danbeeyay ku xirneed xabsiga Hargeysa.
Bushaaro ayaa lagu eedeeyay inay faafisay dacaayad iyo warar been abuur ah oo lagu kicinaayay dadweynaha, waxaana la xiray 15-kii May.
Hay’adaha u doodaha xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyay xirista Bushaaro, waxeyna dhowr jeer ugu baaqeen mas’uuliyiinta Soomaaliland in xorriyadeeda dib loo siiyo wariye Bushaaro.