Muqdisho (Dawan)— Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka horgeysay Hindise-Sharciyeedka Reebidda Naafeynta Xubinta Taranka Gabdhaha, kaas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo ilaalinta xuquuqda, caafimaadka iyo badqabka gabdhaha Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa hindise-sharciyeedkan u gudbisay Golaha Shacabka, iyadoo xildhibaannada ka codsatay inay ka gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan ka doodista iyo meelmarinta sharcigan. Sida ay sheegtay wasiiraddu, hindise-sharciyeedkan ayaa loogu talagalay in wax looga qabto naafeynta xubinta taranka gabdhaha, oo ah dhaqan ay tilmaantay inuu muddo dheer saameyn caafimaad, nafsiyeed iyo mid bulsho ku lahaa gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed.
Wasiir Khadiija ayaa xildhibaannada u sharraxday dhibaatooyinka ka dhasha gudniinka fircooniga ah, iyadoo sheegtay in dhaqankani uu dhaawac ku yahay caafimaadka iyo karaamada gabdhaha, isla markaana loo baahan yahay tallaabooyin sharciyeed oo lagu joojinayo. Waxay tilmaantay in meelmarinta hindise-sharciyeedkan ay qayb ka noqon karto dadaallada lagu ilaalinayo xuquuqda aadanaha, gaar ahaan xuquuqda gabdhaha iyo carruurta, iyo xaqiijinta in gabadh kasta ay hesho nolol caafimaad leh oo ka madax bannaan dhaqamada waxyeellada leh.
Wasiiraddu waxay sidoo kale sheegtay in dowladda federaalka ay doonayso inay xoojiso tallaabooyinka sharciyeed ee looga hortagayo naafeynta xubinta taranka gabdhaha, iyadoo la ilaalinayo badqabka iyo mustaqbalka jiilasha soo koraya.