Muqdisho (Dawan)– Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa soo saartay Xeer Wasiir Lr. 0001/26 oo lagu ansixiyay Habraaca Ku-meelgaarka ah ee Maamulka iyo Diiwaangelinta Hay’adaha Dhaqanka iyo Farshaxanka, sida ay sheegtay Wasaaradda Warfaafinta.
Xeerkan oo ku taariikhaysan 27-ka Luulyo 2026 ayaa khuseeya hay’adaha, machadyada, ururrada, golayaasha iyo shakhsiyaadka ka shaqeeya dhaqanka iyo farshaxanka ee gudaha iyo dibadda dalka.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ujeeddada xeerkan ay tahay hirgelinta Siyaasadda Qaranka ee Dhaqanka iyo Farshaxanka, sameynta nidaam mideysan oo lagu diiwaangelinayo laguna kormeerayo howlaha la xiriira dhaqanka.
Habraaca cusub ayaa sidoo kale diiradda saaraya ilaalinta iyo horumarinta hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, xoojinta wada-shaqeynta Wasaaradda iyo hay’adaha dhaqanka, iyo hubinta tayada iyo sharciyeynta howlaha farshaxanka.