Muqdisho (Dawan ) – Dowladda Mareykanka ayaa walaac xooggan ka muujisay rabshadaha iyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho, iyadoo uga digtay hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed in tallaabooyinka ay qaadaan saacadaha iyo maalmaha soo socda ay saameyn ku yeelan karaan mustaqbalka dalka.
Qoraal ay soo saartay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in rabshadaha ka socda Muqdisho ay yihiin kuwo aan laga fiirsan, isla markaana khatar gelin kara xasilloonida iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.
“Rabshadaha ka socda Muqdisho waa kuwo aan laga fiirsan. Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan waxay masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta xasilloonida iyo in khilaafaadka lagu xalliyo si nabadeed,” ayaa lagu yiri bayaanka safaaradda.
Safaaradda ayaa ku boorrisay dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan tallaabooyin horseedi kara rabshado hor leh, iyadoo carrabka ku adkeysay in wadahadalku yahay waddada ugu habboon ee lagu xallin karo murannada siyaasadeed.
Washington waxay sidoo kale ka digtay in go’aannada iyo ficillada la qaado muddada dhow ay yeelan karaan saameyn waarta oo ku saabsan amniga, midnimada iyo mustaqbalka Soomaaliya.