Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa mooshinkii xil-ka-qaadista ee shalay looga keenay Golaha Shacabka ku tilmaamay “afgambi dhicisoobay”.
Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad ay isugu yimaadeen bahda caafimaadka oo xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho, saacado kaddib markii uu ka badbaaday mooshinka xil-ka-qaadista.
“Afgambi yar oo dhicisoobay ayaa la isku dayay in xilka la iga qaado,” ayuu yiri Wasiir Cali Xaaji Aadan.
Wuxuu sheegay inuu kalsooni ku qabo in shaqadiisa la qiimayn doono mustaqbalka dhow, isaga oo yiri: “Eebbe mahaddiis, lixda bilood ee soo socda ayaa la iigu mahadnaqi doonaa.”