Muqdisho (Dawan)— Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta oo Talaadado ah ugu baaqay ganacsatada dalka inay ka gudbaan deeqaha iyo gargaarka degdegga ah, isla markaana ay noqdaan saaxiib muddo dheer ka qayb qaata dhismaha nidaamka caafimaadka qaranka.
Isagoo ka hadlayay furitaanka munaasabadda Abaalmarinta Guuleystayaasha Soomaaliyeed (BGS26) ee Muqdisho, ayuu sheegay in ganacsatadu ay door ka qaataan dhismaha nidaam caafimaad oo tayo leh, loo siman yahay, isla markaana dhaqaale ahaan waara.
“Mustaqbalka caafimaadka Soomaaliya ma dhisi karto Wasaaradda Caafimaadka oo keliya,” ayuu yiri.
Abaalmarintan oo sannad kasta la qabto waxaa soo qabanqaabiya shirkadda Hormuud Telecom, oo ah shirkad isgaarsiineed oo weyn oo Soomaaliya ka howlgasha, lana aasaasay sannadkii 2002. Shirkaddu waxay sidoo kale maamushaa adeegga lacagaha moobilka ee EVC Plus.
Meertada sanadkan ayaa diiradda saaraysa caafimaadka, iyadoo halku-dhiggeedu yahay “Dhanka Soomaaliya Caafimaad Qabta — Horumarka, Caqabadaha iyo Jidadka Mustaqbalka.” Waxaa lagu aqoonsanayaa shaqsiyaadka iyo hay’adaha ka qayb qaatay horumarinta waaxda caafimaadka.
Cali Xaaji Aadan ayaa si gaar ah ugu baaqay shirkadaha waaweyn, gaar ahaan Hormuud, inay kordhiyaan maalgashiga hal-abuurka caafimaadka, adeegyada caafimaadka dhijitaalka ah, tababarka xirfadlayaasha, cilmi-baarista iyo taageerada adeegyada caafimaad ee bulshada nugul. Wuxuu sheegay in tiknoolajiyadda, isgaarsiinta iyo adeegyada maaliyadeed ee casriga ahi ay wax weyn ka beddeli karaan helitaanka daryeelka caafimaadka ee deegaannada fogfog. Waxa uu intaas ku daray in wasaaraddu diyaar u tahay inay la shaqeyso shirkadaha ganacsiga, jaamacadaha iyo xarumaha cilmi-baarista.