Hargeysa (Dawan) — Hoggaanka sare ee xisbiyada Somaliland iyo xukuumadda ayaa si wadajir ah u muujiyay mowqif adag oo ay ku sheegeen inay u diyaarsan yihiin dagaal, haddii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya qaaddo tallaabo militari oo ka dhan ah Somaliland.
Hadalladan ayaa ka soo baxay kulan ballaaran oo uu isugu yeeray Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaddib marxalad ay Somaliland ku tilmaantay mid cusub oo ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil.
Kulanka, oo ay ka qeybgaleen hoggaanka xisbiyada WADDANI, KAAH iyo KULMIYE, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed, amni iyo diblomaasiyadeed ee Somaliland, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay falcelinta ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil iyo mowqifyada ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, dalal saaxiib ah iyo ururo caalami ah.
Madaxweyne Cirro ayaa xisbiyada la wadaagay warbixin uu ku tilmaamay mid xasaasi ah oo u baahan midnimo siyaasadeed iyo diyaargarow buuxa. Waxa uu sheegay in Somaliland aysan aqbali doonin wax uu ku tilmaamay hanjabaad dibadeed, isla markaana ay diyaar u tahay difaaca waxa ay ku sheegtay jiritaankeeda iyo madaxbannaanideeda.
“Soomaaliya hadday ku soo duusho Somaliland sidi ay barigi hore ugu jabtay duulaankeedi si ka xun bay uga jabi doontaa” ayuu yiri Cirro, kaas oo ah hadal muujinaya mowqifka hoggaanka Somaliland.






