Tehran (Dawan)- Waa markii labaad oo ay Iran ku dhiirato inay si toos ah u weerarto Israel muddo hal sano gudihiis ah balse weerarkaan waa mid ka culus kana duwan kii hore, sid ay qabaan khubarada dhanka amniga
Ku dhawaad muddo hal saac ah ayey Iran weerar ganaatlo ah oo aan horay loo arag ku duqeysay goobo badan oo Israel ka tirsan. Qaar kale oo badan waxaa ka hortagay nidaamka difaaca Israel iyo xulafadeeda
Idaacadda rasmiga ah ee Israel ayaa sheegtay in Iran ay nus saac gudahood ku soo ridday in ka badan 200 oo gantaallo ah, iyada oo dadwaynaha loogu baaqay inay galaan goobaha gabbaadka ah.
Dhankooda, Ilaalada Kacaanka Iran ayaa ku dhawaaqay in ay bartilmaameedsadeen goobo militeri oo muhiim ah, waxayna ku goodiyeen inay dhulka la simi doonaan Isarel haddii ay isku daydo inay weerar kusoo qaado Iran.
Weerarkan waxa uu uga duwan kii hore waqtiga ay qaateen gantaalaha laga soo turay Iran oo muddo kooban ku gaaray qaybo badan oo ka tirsan Israel.
Farriimaha Iran
Ilaalada Kacaanka Iran: Hawlgalka aanu fulinay waxa uu ahaa mid ku salaysan go’aan ka soo baxay golaha sare ee amniga qaranka.
Ilaalada Kacaanka Iran: Hawlgalkan waxa uu ahaa mid loogu aar gudayo Ismaaciil Haniyeh iyo Xasan Nasrullah.