Beledweyne (Dawan) — Xabsiga Dhexe ee magaalada Beledweyne ayaa shalay si rasmi ah dib loo howlgeliyey, kadib muddo lagu sameeyey dayactir ballaaran oo lagu hagaajinayey kaabayaasha iyo amniga gudaha xabsiga. Waxaa maanta xabsiga dib loogu soo celiyay 21 maxaabiis ah oo horey ugu xirnaa saldhiga booliska degmada; 10 ka mid ah ayaa xukun maxkamadeed lagu riday, halka 11 kalena ay yihiin xukun sugayaal.
Taliyaha Xabsiga Dhexe, Xasan Jiiroow Aamin, ayaa sheegay in howlgelinta xabsigu ay muhiim u tahay xaqiijinta xaaladaha maxaabiista iyo tayada ilaalinta ciidamada, isaga oo ku adkeeyey in la ilaaliyo xuquuqda maxaabiista si looga hortago khilaafaadka dhex mara iyaga iyo ciidamada xabsiga.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Maxamed Xuseen Maxamed Wali, ayaa tilmaamay in maamulka gobolka ay ka warhayaan xaaladaha maxaabiista, isaga oo saraakiisha xabsiga kula dardaarmay in ay laba jibbaaran dadaallada amniga iyo ilaalinta maxaabiista. Waxa uu intaa ku daray in maamul ahaan ay mas’uuliyad buuxda ka qaadan doonaan badbaadada maxaabiista iyo habsami u socodka xabsiga, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo adeegyada bulshada ee gobolka.







