Muqdisho (Dawan)- Xagee ku dambeeyay isbaheysigii saddex geesoodka Geeska Afriia ee Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea ? Qeybta 1-aad W/D: Calinuur Salaad
BADDA GADAASHEED…. OOHINTU ORGIGA KA WEYN
Maxay isku hayaan Soomaaliya iyo Ethiopia oo aan horay laguugu sheegin?
Waa xaqiiqo iska cad oo la wada dareemi karo in Ethiopia ku riyooneyso inay mar uu marin badeed yeelato, oo ay wax kala soo dagto, wax soo saarkeeda ka ka dhoofiso, kheyraad kala soo baxdo, haddii ay doontana duullaan ka qaado. Balse xiisadda cusub ee Soomaaliya iyo Ethiopia u dhaxeysa intaa waa ay ka qota dheertahay oo waxaa jira arrimo kale oo aan kor loo sheegin oo maamulka Addis ababa dhiigga ku karinaya.