Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xaqiijiyey sida ay dowladda Masar uga go’an tahay isla markaana ay si buuxda u doonayso inay Soomaaliya ka taageerto dhinac walba, isaga oo si gaar ah usoo qaatay dhinaca iskaashiga ganacsiga.
"Waxaan diyaar u nahay inaan u dhoofino Soomaaliya badeeca kasta oo ay u baahantahay, waxaana ku bixin doonnaa dadaal kasta oo lagu fududeynayo howshaas si loo daboolo baahiyaha muwaadinka Soomaaliyeed"
Badeecadaha Masar ay usoo dhoofiso Soomaaliya ayaa lagu qiyaasay qaybta hore ee sanadkan 2024-ka inay gaartay $57 milyan, halka isla sannadki hore ahayd $31 milyan, taas oo ah koror dhan 83%.
Badeecadaha ay Soomaaliya u dhoofiso Masar ayaa lagu qiyaasay sannadkana lacag dhan $2 milyan, taas oo ka badan marka la barrbar dhigo sannadki hore oo ahayd $300,000.
Bartamihii bishaan August, waxaa Qaahira booqasho ku tegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyada oo labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo dhanka difaaca ah
Dhankiisa, Ra'iisul Wasaraha Masar ayaa caddeeyay in dalkiisu si buuxda u garab taagan tahay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in waqtiga soo socda uu faa’iido weyn u leeyahay Soomaalida.
"Xaqiijinta midnimada Soomaaliya iyo taageerada walaalaheen Soomaaliyeed ayaa hadda ka mid ah waxyaabaha mudnaanta u leh dowladda Masar" sidaas waxaa yiri, Ra’iisul Wasaaraha Masar, Mustafa Madbouly