Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa casuumad ka helay dowladda Imaaraadka Carabta si uu uga qey galo shirka isbeddelka cimilada ee COP 28 oo ka dhacaya dalka Imaaraadka bisha December 2023.
Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi, ayaa soo gaarsiiyay casuumaadda Ra'iisul Wasaaraha kadib markii uu maanta kulan kula qaatay xafiiska xukuumadda.
Xamsa ayaa ka mahadceliyay taageerada dhinacyada badan ee ay u dowladda Imaaraatu u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadamnimada.