Muqdisho, 17 Sebtembar 2025 – Ra’iisul Wasaare Xamse Abdi Barre ayaa amray in Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ay wax ka qabato dhibaatooyinka ka jira Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho muddo laba isbuuc ah, kadib cabashooyin dadweyne oo la xiriira xaaladda garoonka.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday garoonka Talaadadii, ayaa tilmaamay dhowr arrimood, sida mashiinnada boorsooyinka dadka saarraan oo aan shaqeynin, tubooyinka biyaha ee suuliyaasha oo aan shaqeynin, iyo nadaafad xumo ka jirta guud ahaan garoonka.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku amray Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Maxamed Farah Nuh, in arrimahaas la xalliyo muddo laba isbuuc gudahood, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la hagaajiyo nadaafadda iyo in mashiinnada boorsooyinka la hagaajiyo si joogto ah.
“Wasiir, waxaan faraynaaa in la badalo mashiinnada, cidii ku shaqada lehna waa in amar la siiyaa si mashiinnadu u shaqeeyaan si aan kala joogsi lahayn, laba isbuuc gudhahooda, waana ku soo noqon doonaa meeshaan. Waxaan rabaa mashiinnadaas cusub oo shaqeynaya inay meeshaan yimaadaan.” ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Xamse.








