Laascaanood (Dawan)— Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood, oo ah xarunta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, halkaas oo uu kaga qeyb galayo xafladda caleema-saarka madaxda maamulka cusub.
Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), xubno ka tirsan golaha maamulka, masuuliyiin heer federaal iyo dowlad-goboleed ah, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Safarka Xamse Cabdi Barre ee Laascaanood ayaa la xiriira ka qeybgalka munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari iyo ku xigeenkiisa, xilli uu maamulkaasi si rasmi ah u bilaabayo mas'uuliaydiisa hoggaamineed ee cusub.


