Jigjiga (Dawan) – Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa si rasmi ah u daah-furtay Xarunta Curinta iyo Tiknoolajiyadda Deegaanka, taas oo loogu talagalay xoojinta hal-abuurka, horumarinta tiknoolajiyadda iyo kobcinta xirfadaha dhijitaalka ah ee dhallinyarada. Sida ay baahisay warbaahinta maxalliga ee SRTV Somali, xaruntan ayaa sidoo kale martigelisay Shirweynaha ICT-ga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida 2026.
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa xarigga ka jaray xarunta cusub, isagoo sheegay inay door muhiim ah ka qaadan doonto horumarinta hal-abuurka dhallinyarada iyo sare u qaadidda tayada nolosha bulshada.
Madaxweynaha ayaa xusay in xaruntu ay abuuri doonto fursado shaqo oo casri ah, isla markaana ay dhallinyarada u sahli doonto inay helaan aqoon iyo xirfado la jaanqaadaya horumarka tiknoolajiyadda.
Dhankiisa, Wasiirka Xafiiska Curinta iyo Tiknoolajiyadda ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in xaruntu ay qayb ka tahay hiigsiga isbeddelka dhijitaalka ah (Digitalization 2030), isla markaana ay dhiirrigelinayso horumarinta xirfadaha dhijitaalka ah, hal-abuurka iyo maalgashiga gudaha deegaanka iyo guud ahaan dalka.
Shirweynaha ICT-ga ee 2026, oo lagu qabtay xarunta cusub, ayaa isu keenay hal-abuurayaal, khubaro, hay'ado dowladeed, shirkado tiknoolajiyadeed, jaamacado iyo daneeyayaal kale, kuwaas oo ka wada hadlay mustaqbalka tiknoolajiyadda iyo isbeddelka dhijitaalka ah ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.