Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku tilmaamay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland mid aan ahayn aqoonsi dhab ah, balse uu ku sifeeyay “dabin” ay ku dhacayso Somaliland.
Wareysi uu Madaxweynaha siiyay barnaamijka Miisaan Podcast ee ka baxa Dawan, ayuu ku sheegay in tallaabada Israa’iil aysan waxba ka beddelayn mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan midnimada dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in arrintaasi ay ka mid tahay dhacdooyinka ugu culus ee saameyn kara mustaqbalka Soomaaliya iyo gobolka.
Waxa uu xusay in dhamman dowladaha caalamka ay weli u aqoonsan yihiin Somaliland qayb ka mid ah Soomaaliya, isla markaana aanay jirin wax isbeddel ah oo ku yimid mowqifka beesha caalamka.
“Somaliland ictiraaf ma helin soddon iyo dhowr sano, haddana ma helayso, kanna ictiraaf ma aha, ee waa dabin,” ayuu yiri madaxweynaha.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mar walba doorbidaysay wada-hadal iyo is-afgarad si loo xalliyo arrinta Somaliland, halkii loo adeegsan lahaa awood ciidan.
Waxa uu sheegay in muddo ka badan soddon sano la isku dayayay in xal lagu gaaro wadahadal, islamarkaana dowladda federaalku ay weli aaminsan tahay in jidkaasi yahay kan ugu habboon.