Muqdisho (Dawan) – Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay in isbeddel lagu sameeyay qaab-dhismeedka hoggaankiisa sare, ka dib go’aan ka soo baxay madaxda sare ee xisbiga.
Sida lagu sheegay bayaan rasmi ah, Xuseen Sheekh Maxamuud oo horay u ahaa Xoghayaha ku-xigeenka ayaa loo dallacsiiyay xilka Xoghayaha Guud ee xisbiga, iyadoo la raacayo dastuurka iyo xeer-hoosaadka xisbiga. Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ah La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Dastuurka, waana xildhibaan hore oo ka tirsanaa Aqalka Sare.
Dhinaca kale, hoggaanka xisbiga ayaa u magacaabay Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Tagweeni) inuu noqdo ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee xisbiga. Tagweeni ayaa horay u ahaa Xoghayaha Arrimaha Gudaha iyo Siyaasadda ee xisbiga.


