Muqdisho (Dawan) – Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee Soomaaliya ayaa qorsheynaya inuu kordhiyo tirada xubnihiisa isla markaana uu gaarsiiyio 1.5 milyan illaa 2 milyan, kadib markii uu dhaafay hal milyan oo xubnood, sida uu xoghayaha xisbigu u sheegay Dawan.
Xisbigu ayaa shalay sheegay in tirada xubnihiisu ay ka badan tahay hal milyan, iyadoo lagu saleynayo xog rasmi ah oo muujineysa in diiwaangelinta guud ee online-ka ay gaartay 1,032,727 qof.
Xogta ayaa sidoo kale muujinaysa in in ka badan 197,000 xubnood ay yihiin kuwo firfircoon, iyadoo kala hormarsanaanta gobolladuna ay hormuud ka tahay Koonfur Galbeed, oo ay ku xigaan Banaadir, Hirshabeelle, Galmudug iyo deegaanno kale, sida uu sheegay xisbiga.
Xuseen Sheekh Maxamuud, xoghayaha guud ee xisbiga, ayaa sheegay in heerkan uu muujinayo taageero iyo kalsooni ballaaran oo shacabka ay u hayaan xisbiga.
“Tani waxay muujinaysaa inaan leenahay taageero iyo kalsooni shacab oo aad u xooggan, isla markaana aan hoggaamin karno doorasho qof iyo cod ah,” ayuu Xuseen Sheekh u sheegay Dawan.
Wuxuu intaas ku daray in xisbigu qorsheynayo inuu gaarsiiyo abaabulkiisa dhammaan gobollada dalka, isla markaana door hoggaamineed ka qaato doorashooyinka la qorsheynayo.


