Jabuuti (Dawan)— Xisbiga Horumarka Shacabka ee Jabuuti (RPP), oo haya talada dalka, ayaa magaalada Cali-Sabiix ka wada shir siyaasadeed soconaya muddo saddex maalmood ah, kaas oo looga hadlayo mustaqbalka xisbiga, xiriirka uu la leeyahay bulshada iyo caqabadaha siyaasadeed ee dalka, gobolka iyo caalamka.
Shirka oo bilowday 3-dii lana soo gabagabeyn doono 5-ta Sebtembar ayaa halku-dhig looga dhigay: “Xisbi noocee ah ayaynu u baahan nahay marka la wajahayo caqabadaha cusub iyo arrimaha qaran, kuwa gobolka iyo kuwa caalamka?”
Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI, kulamada waxaa maalintii labaad si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta xiriirka u dhexeeya xisbiga iyo bulshada. Doodaha ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in xisbigu si joogto ah ula xiriiro shacabka, si cabashooyinka iyo baahiyaha ka jira gobollada kala duwan loogu gudbiyo mas’uuliyiinta siyaasadda iyo maamulka.
Ka qeybgalayaasha ayaa sheegay in wada-hadal joogto ah oo lala yeesho bulshada uu gacan ka geysan karo fahamka baahiyaha deegaannada kala duwan, isla markaana hay’adaha dowladda ay si wax-ku-ool ah uga jawaabaan baahiyaha bulshada.
Waxaa sidoo kale laga hadlay isku-duwidda u dhexeysa xisbiga, dowladda iyo maamulka, iyadoo diiradda la saaray is-weydaarsiga xogta, booqashooyinka goobaha iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha.