Muqdisho (Dawan) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan $3.88 milyan, taas oo ah lacagta caymiska Takaful ee xoolaha, laguna taageerayo xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha ka dhacay qaybo badan oo dalka ka mid ah.
Lacagtan ayaa si toos ah loo gaarsiiyay 17,734 xoolo-dhaqato ah oo hore uga diiwaangashanaa barnaamijka caymiska xoolaha ee DRIVE, kuwaas oo is diiwaangeliyay xilliyadii Gu’ga (April 2025) iyo Dayrta (October 2025).
Dowladdu waxay sheegtay in bixinta lacagta caymiska ay timid kadib markii tusmada abaaraha ee Takaful, oo ku saleysan xogta dayax-gacmeedka, ay xaqiijisay in roob la’aantii ka dhacday xilligii Dayrta (October–December 2025) ay si weyn u baabi’isay dhul-daaqsimeedka gobollo badan oo dalka ka mid ah.
Xoolo-dhaqatadii hore u iibsatay caymiska abaaraha ayaa lacagta si toos ah loogu shubay akoonnadooda moobilka, taas oo fududeysay in si degdeg ah loo gaarsiiyo qoysaska ay saameeyeen xaaladaha abaarta.







