Garoowe (Dawan)- Xarunta hay’adda PDRC ee magaalada Garoowe ayaa maanta lagu qabtay munaasabad lagu dhaariyay xubnaha cusub ee golaha degaanka degmada Garoowe, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen madax ka tirsan Puntland, guddiga doorashooyinka, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Munaasabaddan ayaa loogu diyaar-garoobay in golaha cusub uu si rasmi ah u bilaabo shaqadiisa.
Dhaarta kadib, golaha degaanka ayaa u codeeyay doorashada duqa ee caasimadda Garoowe, iyada oo Cabdulqaadir Geedi, markale loo doortay xilkan, waxaana ku xigeenkiisa cusub noqday Maxamed Cali Xamari.