Muqdisho (Dawan)— Xuseen Maxamed Nuur Maxamed ayaa maanta loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod, isagoo ka guuleystay Ismaaciil Cabdi Jimcaale Calasow oo ay ku tartamayeen xilka.
Xuseen ayaa ka socday Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka, halka musharraxii la tartamayey uu ka socday Ururka Sincad, sida ku cad liiska musharraxiinta ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha uu shaaciyey 17-kii Oktoobar.
Cabdulqaadir Axmed Cali Quuri ayaa loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, halka Mursal Cabdi Aadan Cilmi loo doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad. Labadoodaba waxaa cod gacan-taag ah ku taageeray min 87 xildhibaan, mana jirin musharraxiin kale oo kula tartamayey xilalkaas.
Labada guddoomiye ku-xigeen ayaa sidoo kale ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka, taas oo ka dhigan in dhammaan saddexda xubnood ee hoggaanka cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug ay ka wada tirsan yihiin hal urur siyaasadeed.