Muqdisho (Dawan) – Xisbiga Himilo Qaran ayaa si cad u beeniyay in hubkii ay maalintii Sabtida soo bandhigeen Booliska Gobolka Banaadir uu ahaa mid ay lahaayeen ama laga soo qabtay gurigii uu ka deganaa degmada Cabdicasiis Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.
Xoghayaha Xisbiga Himilo Qaran, Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gama’diid, oo shir jaraa’id qabtay habeenimadii Sabtida, ayaa sheegay in hubka la soo bandhigay aanu wax xiriir ah la lahayn Shariif Sheekh Axmed ama xubnaha xisbiga.
Gama’diid ayaa ku eedeeyay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin “Macallin Mahdi”, inuu soo bandhigay hub laga soo ururiyay goobo kala duwan, kadibna loo nisbeeyay Madaxweynihii hore.
“Hubkaas waan ognahay meelaha laga keenay iyo sida loo keenay. Qof kasta oo arrintan danaynaya wuxuu xaqiijin karaa xaqiiqda jirta,” ayuu yiri Gama’diid.
Sida uu sheegay xoghayuhu, hubka la soo bandhigay waxaa laga soo qaaday guryo ay leeyihiin siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kala duwan, ka hor inta aan hal meel la isugu keenin si loogu eedeeyo Shariif Sheekh Axmed.