Addis Ababa (Dawan ) – Midowga Yurub ayaa si rasmi ah dib ugu bilaabay taageeradii miisaaniyadeed ee tooska ahayd ee uu siin jiray Itoobiya, taas oo la hakiyay sanadkii 2020, xilligaas oo ay jireen xiisado siyaasadeed iyo colaaddii ka dhacday waqooyiga dalka.
Taageeradan cusub ayaa si degdeg ah u horseedi doonta sii deynta lacag ka badan €140 milyan oo lagu taageerayo miisaaniyadda qaranka Itoobiya, iyadoo tallaabadan loo arko mid xoojinaysa dadaallada dowladda ee xasilinta iyo casriyeynta dhaqaalaha.
Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan iskaashiga caalamiga ah, Jozef Síkela, ayaa sheegay in go’aankani yahay “calaamad cad oo muujinaysa kalsoonida” lagu qabo dadaallada dowladda Itoobiya ee dib-u-habaynta, gaar ahaan kadib dhammaadka colaaddii waqooyiga Itoobiya.
Síkela ayaa sidoo kale xusay in taageeradan ay qayb ka tahay qorshe sanadle ah oo qiimihiisu yahay €240 milyan (Annual Action Plan), kaas oo diiradda saaraya horumarinta maamulka, caafimaadka iyo kobaca dhaqaalaha.


