Addis Ababa (Dawan) – Amni-darrada ka jirta qaybo ka mid ah gobollada Oromia iyo Amhara ayaa sababtay in aan codbixin laga qaban 143 goobood oo ka mid ahaa doorashadii guud ee Itoobiya, sida uu sheegay Guddiga Doorashada dalkaas.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Itoobiya, Melatework Hailu, ayaa sheegtay in inkastoo codbixinta dib looga bilaabay qaar ka mid ah goobihii ay hakadka ku timid, inaan haddana 143 goobood aysan suuragelin in doorashadu ka dhacdo sababo la xiriira xaaladda amni.
Doorashadan ayaa la qorsheeyay in lagu qabto 40,448 goobood oo codbixin ah, iyadoo in ka badan 50 milyan oo qof ay iska diiwaangeliyeen inay codkooda dhiibtaan. Natiijada kama dambaysta ah ee doorashada ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo 11-ka Juun.