Muqdisho (Dawan) - Maxkamadda Ciidamada Qalabka-Sida ayaa Khamiistii dil ku xukuntay nin hore uga tirsanaa booliiska oo lagu helay dilka sarkaal sare oo bishii Juun lagu dhex dilay gurigiisa, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Maxkamadda.
Maxkamaddu waxay Jamaal Xasan Cabdulle ku heshay dilka Salaad Maxamed Guuleed, oo hore u ahaa madaxa Taliska Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Booliiska, waxayna ku xukuntay dil toogasho ah oo qisaas u ah dilkaas.
Eedeysanaha labaad, Mustaf Xuseen Guure, oo loo yaqaan “Kaamil”, ayaa lagu xukumay hal sano oo kormeer amni ah. Guddoomiyaha maxkamadda, Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa warbaahinta u faahfaahiyay xukunnada. Maxkamaddu waxay sheegtay in Jamaal uu ahaa ilaalada gaarka ah ee Salaad , isla markaana uu soo koriyay, kuna daray booliiska. Waxay sheegtay in khilaafku ka bilowday qori AK-47 ah oo Salaad ku qornaa oo la waayay, kaas oo Jamaal uu iibsaday.
Sida ay maxkamaddu sheegtay, Jamaal ayaa markii uu guriga ku soo laabtay saddex xabbadood oo qori AK-47 ah ku dhuftay Salaad, kuwaas oo kaga dhacay dhabarka iyo gacanta. Waxay intaas ku dartay inuusan u gurman, isla markaana uu nadiifiyay dhiigga iyo raadad kale oo dembiga la xiriiray. Muuqaallada kaamirooyinka ilaalada ayaa muujiyay isagoo guriga bannaankiisa ku tuuraya qolofta xabbad, sida ay maxkamaddu sheegtay.