Muqdisho, 13 Sebtember 2025 — Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu furmayo Kalfadhigiisa 7aad 20-ka Sebtember, kadib dib u dhac ku dhow hal bil oo ku yimid furitaanka kalfadhiga.
War-saxaafadeed la soo saaray Sabtida ayaa lagu sheegay in hoggaanka labada Aqal ay ku heshiiyeen taariikhda kadib wada-tashiyo gudaha ah. Kalfadhiga waxaa markii hore la qorsheeyay inuu furmo 23-kii Agoosto, balse ma uusan furmin.
“Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aamiyay in Kalfadhiga 7aad furmo Sabti, 20 Sebtember 2025,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Baarlamaanka.








