Soomaaiya, 12 Nofeembar 2025 — Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha(GMDQS) ayaa ku dhawaaqay in si rasmi ah loo bilaabi doono bixinta kaararka codbixinta ee doorashada Golaha Deegaanka Banaadir Sabtida, 15-ka Nofeembar 2025.
Guddoomiyaha Guddiga, Cabdikariin Axmed Xasan oo maanta ka hadalyey xarunta daabacaadda kaararka ayaa sheegay in daabacaadda kaararka codbixinta ay marayso heer gabagabo, isla markaana muwaadiniinta hore isu diiwaan geliyay ay heli doonaan fariin qoraal ah (SMS) oo tilmaamaysa goobta ay ka qaadan doonaan kaarkooda.
“Daabacaadda kaararka ayaa maraysa heer gabagabo, waxaana Sabtida soo socota, 15-ka Nofeembar, la bilaabi doonaa qeybinta kaararka codbixinta ee muwaadiniinta diiwaangashan ee Gobolka Banaadir,” ayuu yiri Cabdikariin.








