Muqdisho (Dawan)- Waxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray khad cusub oo toos ah oo maraakiibta xamuulka isku xiri doona dekedaha Muqdisho iyo Istanbul, kaas oo la filayo inuu si weyn u soo gaabiyo muddada ay badeecaduhu uga soo safraan Turkiga kuna yimaadaan Soomaaliya, isla markaana fududeeyo isu socodka ganacsiga labada dal.
Daahfurka khadkan cusub ayaa lagu xusay munaasabad ka dhacday Dekedda Muqdisho, halkaas oo lagu soo dhaweeyay markabkii ugu horreeyay ee adeegsanaya marinkan. Markabka ayaa Istanbul ka soo shiraacday 14-kii November, wuxuuna Muqdisho soo gaaray 28-kii November, isagoo safarka ku qaatay 14 maalmood.
Khadkan waxaa hirgelisay shirkadda Ocean Network Shipping, oo wakiil ka ah shirkadda AKKON LINES ee Soomaaliya. Marinkan cusub ayaa meesha ka saaraya baahida ay maraakiibtu u qabaan inay dekedo kale ku hakadaan ama badeecadaha ku sii kala qaadaan marinnada badda ee kala duwan.
Khadka cusub ayaa muddada safarka u dhexeysa Istanbul iyo Muqdisho ka dhigay 14 ilaa 15 maalmood, halka marinnadii hore ay safarku qaadan jireen ilaa 40 maalmood, xaaladaha qaarkoodna ay gaari jireen 90 maalmood. Markabkii ugu horreeyay ee dekedda Muqdisho ku soo xirtay marinkan cusub ayaa sidoo kale keenay 1,150 konteenar, taas oo lagu tilmaamay tiradii ugu badnayd ee konteenarro ah ee hal markab uu hal mar ku soo dejiyo Dekedda Muqdisho.