Muqdisho (Dawan) — Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa beeniyey warar uu sheegay in lagu faafiyey baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in ciidamo ka tirsan booliiska ay galeen xarumaha shirkadda isgaarsiinta Hormuud, isla markaana ay halkaas ka wadaan baaritaanno.
War-saxaafadeed uu soo saaray 18-kii Oktoobar, taliska ayaa ku tilmaamay wararkaas kuwo aan sal iyo raad lahayn, isagoo caddeeyey in aysan jirin hawlgallo noocaas ah oo ciidamadiisu ka wadaan xarumaha shirkadda.