Addis Ababa (Dawan)— Booliska caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa ayaa helay gaadiid iyo mootooyin cusub oo loogu talagalay xoojinta xakamaynta taraafikada, ka hortagga dambiyada iyo wax ka qabashada dhacdooyinka rabshadaha wata, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay booliska magaalada Isniintii. Gaadiidka ayaa lagu wareejiyay xaflad ay ka qaybgaleen saraakiil sare oo boolis iyo maamulka magaalada ah, oo uu ku jiray Taliyaha Booliska Addis Ababa, Sarreeye Guud Asrat Denero, iyo saraakiil kale oo sare.
Boolisku wuxuu sheegay in gaadiidka cusub uu qayb ka yahay dib-u-habayn hay’adeed oo lagu doonayo in qalab casri ah loogu adeegsado ka hortagga dambiyada, baarista kiisaska dambiyada iyo maareynta taraafikada. Qalabka la wareejiyay waxaa ka mid ah mootooyin loogu talagalay xakamaynta taraafikada iyo gaari tiknoolajiyad casri ah leh oo loogu talagalay falanqaynta dhacdooyinka rabshadaha wata, sida uu boolisku sheegay.