Baay (Dawan) – Ciidamado taabacsan Madaxweynihi hore ee Koofur-galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa shalay la wareegay Degmada Buur-Hakaba ee gobolka Baay, kadib dagaal culus oo aroortii hore ka qarxay degmada.
Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamada taageersan Lafta-gareen iyo ciidamada dowladda ee fadhiyey Buur-Hakaba. Ciidamada weerarka qaaday ayaa jihooyin kala duwan ka soo galay degmada. Markii ugu dambeysay waxaa la sheegay in ciidamadii dowladda looga adkaaday, kadibna ay ka baxeen degmada.
Afhayeenki hore ee Koofur-galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, oo gudaha magaalada Buur-Hakaba kula hadlay shacabka degmada, ayaa xaqiijiyay in ciidamadoodu ay la wareegeen degmada. Wuxuu sheegay inay guulo ka gaareen dagaalka dhacay.