Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda u safro Maraykanka, taas oo noqonaysa booqashadiisii ugu horreysay ee dalkaas tan iyo markii uu xilka qabtay, sida ay sheegtay warbaahinta Israel ee KAN.
Sida ay KAN ka soo xigatay ilo diblomaasiyadeed oo xog-ogaal u ah safarka, booqashadu waxay si gaar ah diiradda u saari doontaa dadaallada Somaliland ay ku doonayso inay uga faa’iidaysato aqoonsigii Israel, si ay Maraykanka ugu qanciso inuu qaado tallaabo la mid ah.
Cirro ayaa la filayaa inuu booqdo magaalada New York, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono xubno ka tirsan Aqalka Wakiillada iyo Senate-ka Maraykanka. Ilo diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale sheegay in Cirro uu rajaynayo inuu kulan la yeesho Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump.
Safarkan ayaa imanaya qiyaastii saddex bilood kaddib markii Cirro uu booqday Israel, taas oo warbaahinta Israel ay ku tilmaantay booqasho taariikhi ah, kaddib markii Israel ay bishii December ee sannadkii hore ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay dal madax-bannaan.