Muqdisho (Dawan) – Culimada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in laga fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta colaad, kala qeybsanaan iyo amni darro, iyagoo adkeeyay in amniga Soomaaliya uu yahay arrin lama taabtaan ah oo aan loo oggolaan karin in lagu xadgudbo.
Kulan ay culimada Soomaaliyeed ku yeesheen magaalada Makka ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa si qoto dheer looga wada hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan duruufaha siyaasadeed iyo amni ee taagan, iyadoo dib loo eegay marxaladihii iyo dhacdooyinkii adkaa ee ay magaalada Muqdisho soo martay sannadihii la soo dhaafay.
Kulanka oo uu soo qabanqaabiyay Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Culimada Soomaaliyeed ayaa laga soo saaray baaq ku wajahan dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka ku lugta leh, si ay uga fogaadaan wax kasta oo khatar gelin kara xasilloonida caasimadda iyo amniga guud ee dalka.
Culimada ayaa ugu baaqay madaxda iyo dhinacyada ay khilaafaadku u dhexeeyaan inay muujiyaan tanaasul, is-faham iyo isu-dulqaadasho, si looga hortago xaalad kasta oo dib ugu celin karta dalka marxalado qalafsan oo hore looga soo gudbay.